Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Jubbaland oo ka arinsatay Howlgalada dagaal ee bilowday iyo Guddiyo lagu dhawaaqay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada oo diirada lagu saarayay arimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay waxyaabahii kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga ee Magaalada Muqdisho dhawaan kusoo gaba gaboobay oo qodobada kasoo baxay ay kamid ahayd dardar galinta dagaalada la dhanka ah Al Shabaab.

Golaha ayaa falanqayn dheer ka yeeshay abaabulka bulshada iyo Dowlada ee howlgalada ka dhanka ah argagixisada sidii loo dardar galin lahaa iyadoo la kaashanayo bulshada. Waxaana la dhisay guddiyada ka shaqayn lahaa howshaas oo kala ah.

1. Guddiga Hogaaminta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.

2. Guddiga Taakuleynta & Gurmadka ee Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.

3. Guddiga Abaabulka & Wacyigalinta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.

Guddiyadan waxaa ay ka kooban yihiin laamaha kala duwan ee Dowlada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo sida ugu dhakhsiyaha badan u howlgalaya.

Related posts

Sacuudiga oo go’aan kama dambeys ka soo saaray waajibaadka Xajka ee Sanadkan

Caydiid Ali

Deni oo ka soo horjeestay go’aanadii ka soo baxay Isimada Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali

Shil Gaari oo naxtin leh oo dad ku dhinteen oo goordhaw ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---