Qoor Qoor oo darees ciidan xirtay Abaabul Dagaalna bilaabay (Daawo Sawirada)

Deegaanada maamulka Galmudug gaar ahaan gobolka Galgaduud qeybo katirsan, ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo ay wadaan ciidanka dowladda federaalka oo kaashanaya ciidamada Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka.

Ciidamadan ayaa doonaya in ay bilaabaan howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab , waxaana socda abaabul dagaal oo si weyn looga dareemayo deegaanada qaar oo ku wajahan goobaha ay Al Shabaab heestaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta xirtay dareeska ciidanka milatariga, waxa uuna madaxweynaha bilaabay abaabulka dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Qoor Qoor oo la kulmay saraakiil katirsan ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ,loona qaban lahaa deegaanada Galmudug gacantooda ka baxsan.

Madaxweynaha Galmudug ayaana tagay fariisimaha jiidaha hore ay joogaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug, waxa uuna saraakiisha ku amray in ay u diyaar garoobaan duullaan ka dhan ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -