(Sawirro) Dowladii 3aad ee ka tirsan Carabta oo safaarad weyn ka furatay Israel

Dowlada Imaaraatka carabta ayaa si rasmi ah u daahfurtay safaraaddeeda magaalada Tel-aviv ee dalka Israa’iil.

Waa tallaabadii ugu dambaysay ee la xiriirta heshiiska isku soo dhowaanshaha ee uu sanadkii hore uu garwadeenka ka ahaa Maraykanka.

Safaaraddan ayaa waxa laga furay dhisme cusub oo ku yaala caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv.

Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta ayaa daahfuray xiriirka taleefannada tooska ah ee labada dal dhexmarayo dabayaaqadii sanadkii hore kaddib marki ay gaareen heshiis ay dib ugu soo celinayaan xiriirkooda.

Safaaraddan ayaa noqonaysa midii saddexaad ee uu dal Carab ah leeyahay iyadoo ay ka soo horreeyeen Masar iyo Urdun.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -