Madaxweyne Guudlaawe oo Shaaciyay Magacyada deegaanada Al Shabaab laga saaray

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ka socda deegaano katirsan gobolka Hiiraan.

War saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Cali Guudlaawe ayaa lagu shaaciyay in deegaano badan oo Al Shabaab heesteen la wareegeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana deegaanadaasi ugu dambeeyya deegaanka Booco oo maanta lala wareegay .

Halkan ka Akhriso War saxaafadeedka kasoo baxay Madaxweynaha Hirshabelle

Dowladda Hirshabeelle waxa ay bogaadineysaa guulaha muhiim ka ah ee laga gaaray howlgalada baahsan ee ka socda deegaanada Hirshabeelle ee lagu ciribtirayo kooxda argagixisada arxanka daran ee alshabaab.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa suuragaliyay inay xureeyaan deegaano dhowr ah oo argagixisada AS ay hore u maamulayeen jab xooganna lagu gaarsiiyay dagaaladii lala galay sida deegaanada, Yasooman, Nuur fanax, Buuraha qayaayaale, Garasyaani, Aboorey, Tardo, Sagal geed, Geedsamo, Inameey iyo Booco oo maanta laga saaray cadowga.

Dowladda Hirshabeelle waxaa ka go’an xureynta deegaanada ku jira gacanta cadowga iyadoo kaashaaneyso Ciidamada Qalabka Sida iyo Dadka deegaanka waxa ayna ugu baaqeysaa qeybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagaan ka qeybgalka howlagalada ka dhanka ah kooxda alshabaab oo ku caan baxday daadinta dhiiga shacabka iyo dhaca hantida umadda, sidoo kale dowladda Hirshabeelle waxa ay si dhow ula socotaa xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada laga saaray cadowga waxa ayna ku dadaalaysaa sidii dadkaas loo gaarsiin lahaa gurmad deg deg ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -