Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday Rag loo heesto weerar sifeyn ah iyo Dil (Sawirro)

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeesay dhageysiga dacwad ka dhan ah 11 eedeysane oo loo hestay dagaal sifeyn ah iyo weerar sababay dhimashada marxuum Liibaan Cabdiqaadir Cali.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay sagaal ka mid ah 11 ka eedeysane min hal sanno iyo bar xarig ah iyo diyada marxuumka ay dileen maadaama Maxkamadda ay ku heshay falkaasi in ay ku lug lahaayeen.

Sidoo kale maxkamadda ayaa labada ruux ee soo hartay u celisay xuriyadooda maadaama lagu waayay dambiga, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Cabdikhadar Maxamed Xasan.

Dacwadaan uu kusoo gudbiyay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa waxaa ay maxkamaddda gobolka Banaadir ka yeelatay ilaa afar fadhi, ugu dambeyn maanta ayaa lasoo gaba-gabeeyay.

Related posts

Sidee Xassan Shiikh iyo wafdigii la socday loogu soo dhoweeyey Asmara? (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Maraykanka oo Al-Shabaab ka burburiyey idaacadii Afaraad

Caydiid Ali

Abiy Axmed oo ku hanjabay in Dekad ay isticmaalaan xoog ku raadsanayaan haddii ay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---