Ciidamada Danab oo dil iyo dhaawac u geestay Dad shacab ah iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in xalay ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Danab dil iyo dhaawac u geesteen dad shacab ah .

Rasaas ay fureen ciidamada Danab ayaa sababtay geerida nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Mascuud Cabdulqaadir Dhoore oo kasoo jeeda magaalada Guriceel, waxaa sidoo kale rasaasta ku dhaawacmay dad kale oo la socday marxuumka.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada Danab ayaa rasaas ku furay gaari uu watay ninka la dilay oo ka yimid dhinaca magaalada Boosaaso kuna sii jeeday Guriceel, waxaana marxuumka la sheegay in Boosaaso kasoo kaxeestay gaari dekadda uga soo degay.

Ciidamada Danab ee dilka geestay ayaa goobta isaga tagay iyaga oon u damqan dadka ay dhibka gaarsiiyeen, waxaana goobta gaaray ciidamo katirsan Galmudug oo halkaasi kasoo qaaday dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Magaalada Gaalkacyo waxaa kutaalla xero ay degan yihiin ciidamada Danab ay tababaraan Mareykanka, mana jiro ilaa hada wax war ah oo milatariga Soomaaliya kasoo saareen dilka ay shacabka u geesteen ciidankooda gaarka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -