Allbanaadir.com
NEWS

Josep Borrell oo maanta imaanaya Muqdisho lana kulmaya Madaxda dalka ugu sareysa

Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan wefdi uu hoggaaminayo Wakiilka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrell.

Wefdigan ka socda Midowga Yurub ayaa marka ay soo gaaraan magaalada Muqdisho la filayaa in kulamo la qaataan madaxda dalka ugu sareysa gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya Josep Borrell ayaa lagu wadaa in ay kawada hadlaan arrimo dhoor ah ay kamid yihiin xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale arrimaha abaaraha dalka ka jira iyo amniga.

Midowga Yurub ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageera dhinacyo kala duwan sida dhaqaalaha, ammaanka gaar ahaan tababarada ciidamada qalabka sida iyo fulinta mashaariic kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Turkiga oo Arimo Muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

Weerar u qorsheysnaa kooxda Daacish oo la fashiliyey & xubno badan oo xabsi la dhigay

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo si kulul uga hadlau dilkii Taliye Nuur farey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---