Shirka Wadatashiga oo maanta ka furmaya Madaxtooyada iyo Qodobada looga hadlayo

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta madaxtooyada Soomaaliya ka furmo shir Wadatashi ah oo u dhaxeeya Madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan ayaa sida aan xogta ku helnay diirada lagu saari doonaa arrimaha amniga dalka gaar ahaan howlgalada socda sidii loo balaarin lahaa , arrimaha abaaraha iyo sidii wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaan madaxda Dowladda federaalka iyo kuwa maamulada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya shirkan soconaya labo maalmood, waxaana shirkan ka qeyb galaya oo Muqdisho jooga afar kamid ah madaxda maamulada halka Madaxweynaha Puntlanda fogaan arag uga qeyb galayo.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli uusan wanaagsaneyn xiriirka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada oo horey xiriir dhaw ula laha aMadaxweynihii hore.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeneysaa in ay qaado duullaan ka dhan ah Al Shabaab, waxaana qaar kamid  gobolada dalka ka socda howlgalo ay hormuud u yihiin dadka deegaanka oo hubka u qaatay in Al Shabaab la dagaalamaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -