Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Dil loo geystay wiil dhalinyaro ah ayaa ka dhacay kontrol laga hubiyo Gaadiidka oo ciidamada amaanku ku leeyihiin wadada isku xirta isgoyska Banaadir & Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Askari la sheegay inuu ka tirsan yahay Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay dilka loo geystay Wiilka oo lagu magacaabi jiray Anas Yuusuf Maxamed

Sida ay sheegayaan wararka qaar willkan dhalinyarada ayaa ahaa dhaqtar ka howlgala xarun Caafimaad oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dilka wiilkan uu yimid muran dhexmaray askariga rasaasta furay iyo isaga, waxaana Goobta isaga baxsaday Askarigii dilka geystay

Qaar ka mid ah ehellada Wiilkan dhalinyarada ahaa ayaa sheegay in Sarkaalka xukuma barta-koontorool ee uu dilka ka dhacay uu inkiray in Askariga uu katirsan yahay Ciidamadiisa, iyagoo dalbaday cadaalad.

- Advertisement -