Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Mareykanka oo tababar u xiray saraakiil ka tirsan ciidanka DANAB (Sawirro)

Cutubyo ka tirsan Guutada 16-aad kumaandooska Danab ee XDS ayaa waxaa Tababar loogu soo xiray degaanka Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Tababarkan ayaa la xiriiray habka Loo Sameeyo Xiriirka Ka Dhaxeeya Ciidanka & Shacabka.

Munaasabada xeritaanka tababarka waxaa ka qeybgalay Taliye ku-xigeenka Ururka 4-aad Guutada 16-aad ee Danab C/Qaadir Maxamed Caruush, Madaxa Arrimaha bulshada & Warbaahinta Guutada 16-aad Shillaawe Cabdilaahi Xero & Saraakiil kale oo ka tirsan Danab & ciidamada Mareykanka.

Masuuliyiinta ayaa kula Dardaarmay Ciidanka tababarka loo soo xiray in Wixii ay barteen  bulshadooda ugu adeegan, Lagana Dareemo Shaqadooda, islamarkaana ay la yimadaan Daacadnimo & Hufnaan Xaga Shaqada ah.

Related posts

Guddiga Doorashada Puntland oo si adag u beeniyay war laga baahiyay

Cabdi Cade

Sargaal loo xiray dilkii maanta rabshadaha ka dhaliyay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Qoorqoor oo furay kalfadhiga 10aad ee Barlamanka Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---