Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Digniin laga bixiyey macluul dunida ku soo wajahan & hal arrin oo sabab looga dhigay

Q/Midoobay ayaa bilawday dib u eegidda codsi loogu talagalay si lacago loogu deeqo waddamada ugu saboolsan adduunka, taasoo ay kula dagaallami doonaan cudurka COVID-19

Madaxa gargaarka bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay, Mark Lowcock ayaa ka digay inay jiraan dalal badan oo ay macluul ku sii kordheysa, kuwaasoo ay cunto yaraan baahsani ku habsatay.

Qaramada midoobay waxay shegeysaa in 265 milyan oo qof ay dhamaadka sannadkan wajihi karaan macaluul ba’an sababo la xiriira fayraska corona.

Waxayna codsaneysaa hay’addu lacag dhan $10.3 balyan oo doolar, waxaana Lacagaha ay qaramada midoobay dalbaneyso loo adeegsan doonaa waddamada uu dhaqaalahooda cagaha badan ku taagnayn.

Waxayna hay’addu ka digtay in haddii aaanan wax ficil ah la qaadin ay dunida mustaqbalka wajihi doonto dhibaatooyin la xiriira horumarka.

Xanuunkan safmarka ah ayaa saameyn weyn ku yeeshay waddamada ugu fakhrisan dunida, iyadoo codsigan labaad ee hay’addu ayaa ku soo beegmayaa iyadoo wadamadii qaniga ah ee lacagahaasi bixini jiray ay haatan iyagiba la daalaa dhacayaan dib u soo celinta djhaqaalohoodii ee uu saameeyay fayraska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilhaan Cumar: “Gudaha Mareykanka Islaam naceybka wuxuu gaaray heerkii ugu sareeyey”

Caydiid Ali

Xasan Sheekh Maxamuud oo Walaaca ay qabaan Musharaxiinta u gudbiyay Laftagreen (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo loo soo bandhigay in ay saldhig milatari ka dhigtaan Berbera

Cabdi Cade
Taboola Ads ---