Buundo la dhisay oo duntay Xilli ay socotay Munaasabadii xariga looga jarayay ! (Sawirro)

Baraha bulshada iyo warbaahinta qaar waxaa si weyn u qabsaday muuqaal laga soo duubay buundo yar oo laga dhisay degmada Mont-Ngafula ee magaalada Kinshasa ee dalka Koongo, buundadan ayaana duntay xilli la daah-furayay dhismaheeda.

Masuuliyiin iyo marti sharaf si qurux badan usoo labistay ayaa isugu tagay dusha sare buundadan yar ee xariga laga jarayay oo loogu tala galay in ay ku lugeeyaan dadka u kala gudbaya dhinacyada magaalada Kinshasa.

Xilli buundada ay xariga ka jarayeen masuuliyiin iyo dad kale oo marti sharaf ah ayaa mar qura waxaa duntay buundadii la dhisay , waxaana goobta ka dhacday argagax iyo qalqal lasoo darsay masuuliyiintii iyo dadkii kale ee buundada ku sugnaa.

Dadka u soo daawashada tagay furitaanka buundada ayaa markii hore farxad ku qeylinayay, iyada oo markii dambena la arkay madaxdii xarigga ka jareysay oo la halgameysa sidii ay uga soo degi lahaayeen burburka buundada.

Dhacdadan buundada la dhisay ee xarig jarkeeda ku duntay ayaa hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada, waxaana aad loo dhaliilay dadkii dhisay buundadaasi horey ka duntay iyada oon la isticmaalin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -