Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Madaxweyne Xasan Shiikh oo xafiiskiisa ku qaabilay danjire Pirkka Tapiola (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Finland u fadhiya dalkeenna Mudane Pirkka Tapiola.

Madaxweynaha dalka iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda taageerada Midowga Yurub oo ay qeyb ka tahay dowladda Finland, adkeynta cilaqaadka labada dal, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga, qorshaha dowladda Soomaaliya ee xoojinta amniga, xasilloonida dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoreynta deegaannada ay kaga sugan yihiin argagixisada Al-Shabaab oo ay ka soo maleegaan qorsheyaasha gurracan ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjiraha dowladda Finland Mudane Pirkka Tapiola ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh, oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka,  xoojinta federaaleynta iyo daadejinta hannaanka dowliga ah.

Related posts

Qaar ka mid ah dadkii ugu caansanaa ee galay Congress-ka oo lasoo qabtay

Cabdi Cade

Nin Afrikan ah oo qirtay in si farsameysan ku xaday lacag Malaayiin Dollar ah

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Sida RW Khayre & wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---