Ciidamada Milatariga oo caawa la wareegay xarunta Degmada Howl Wadaag iyo Goobo kale

Ciidamo aad u hubeesan oo taabacsan Musharaxiinta mucaaradka kana soo horjeeda mudo kororsiga dowlada federaalka ayaa caawa dagaal la’aan la wareegay xarunta maamulka degmada Howlwadaag.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa hubka ka dhigay ciidamo booliis ah oo ku sugnaa xarunta degmada Howlwadaag, waxa ayna ciidamada difaac ka galeen aaga xarunta degmada.

Ciidamada la wareegay xarunta degmada Howlwadaag ayaa horey ula wareegay Isgooska Dabka, iyo agagaarka Isgooska Sayidka iyo xaafado kale oo katirsan degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigley.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa ah mid aad u kacsan, waxaana qeybo kamid ah magaalada ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada ee ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo iyo ciidamo taabacsan musharaxiinta mucaaradka.

Waxii Warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -