Maleeshiyaad ku dhamaaday Webi xilli ay ka cararayeen Duqeymo diyaaradeed

Wararka ka imaanaya dalka Nageria ayaa sheegaya in maleeshiyaad badan oo katirsanaa kooxda Islaamiga ah ee Boka Haram ku qaraqmeen Webi, xilli ay ka cararayeen duqeymo ay geesanayeen milatariga Nageria.

Ciidamada Nageria ayaa la sheegay in duqeymo culus ku garaaceen dhul keymo ah ay ku sugnaayeen dagaalamayaal badan oo katirsanaa Boka Haram, waxaana la sheegay in ragan hubeesan ku carareen dhinaca webiga ayna ku qaraqmeen.

Warbaahinta Nageria ayaa ku warantay in ciidamada Nageria howlgalo ka dhan ah Boka Haram ka bilaabeen gobolka waqooyiga bari ku yaalla ee Brono, gaar ahaan keymaha Sambisa oo fariisimo ku lahaayeen Boka Haram.

Maleeshiyaad deegaanka ah oo ka barbar dagaallamayo ciidamada dowladda Nageria ayaa warbaahinta sheegay in ka badan meydadka 100 dagaalyahan  laga soo saaray biyaha webiga kuna aaseen dhulka keymaha.

Kooxda Boka Haram ee ka dagaalanta Waqooyiga dalka Nageria ayaa dishay kumanaan dad ah oo isugu jira ciidan iyo shacab , waxaa sidoo kale colaada kooxdaasi horseeday ku barakacay dad ka badan 2-milyan oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -