Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku qaaday fariisin ciidanka dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay ragan hubeesan ee katirsanaa Al Shabaab ayaa weeraray fariisin ciidanka dowladda ku lahaayeen halka loo yaqaan Cali Agoon, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhax maray iska hor imaad muddo kooban socday.

Inta la xaqiijiyay haweeney caano iibineysay ayaa ku geeriyootay iska hor imaadka halka dad kalana dhaawacyo soo gaareen , lamana oga khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Al Shabaab ayaa soo celisay weeraradii ku dhufo ee ka dhaqaaq ay horey uga geesan jireen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxa ayna inta badan weerarada nuucaan ah ka fuliyaan degmada Hiliwaa .

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin weerarkii xalay Al Shabaab kusoo qaadeen fariisinka ciidanka dowladda iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana saakay ciidanka dowladda howlgalo ka sameeyeen aagii dagaalku ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -