Heyadda ICAO oo Somalia ku amaantay arin ay muddo kooban ku hirgelisay

Wasiirka duulista hawada dowladda FS marwo Fardowso Cusmaan Cigaal oo uu wehliyo maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay madaxda sare ee hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ee ICAO.

Madaxweynaha hay’adda ICAO Mr. Salvatore Sciacchitano, Xoghayaha guud ee ICAO Mr. Juan Carlos Salazar iyo masuuliyiin kale ayey wafdiga ka socda Soomaaliya kala hadleen wada shaqaynta labada dhinac iyo sidii mustaqbalka loo xoojin lahaa iskaashiga iyo mashaariicda horumarineed ee dhinaca duulimaadyada.

Mr. Salvatore Sciacchitano Madaxweynaha hay’adda ICAO ayaa bogaadiyey sida Soomaaliya ay horumar wayn uga samaysay maamulka hawadeeda, iyadoo muddo kooban ku hawlgalisay shaqaale xirfad sare leh iyo qalabcasri ah oo u suura galiyey inay hawadeeda ku maamusho darajada ugu sarreysa, taas oo uu ku tilmaamay mid tusaale adduunka u noqon karta.

Shirkan ayaa si qoto dheer looga hadlay horumarka ay Somaaliya ka gaartay dhanka duulista hawada, iyadoo la isla gartay in wadanka loo diyaariyo sidii uu uga gudbi lahaa qiimaynta hay’adda ICAO ee bisha September sanadka 2025.

- Advertisement -