Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Liyu Boolis iyo dagaalyahanada Al-shabaab oo Madaafiic isweydaarsaday

Al-Shabaab ayaa madaafiic ku weerartay Saldhig Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka ku leeyihiin degaanada Yeed iyo Aato oo ka tirsan Gobolka Bakool ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Dadka degaanka ayaa sheegay inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday Xerada Ciidamada liyuu Boolis ee degaanka Aato ee gobolka Bakool.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada liyuu Boolis, isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashad Al-shabaab iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaas.

Ciidamada liyuu Boolis dhankooda ayey wararku sheegayaan iney madaafiic kale ku jawaabeen, kuwaaoo ay la beegsadeen degaannada ku dhow dhow degaanka Yeed ee Gobolka Bakool.

Ciidamada liyuu Boolis ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo xoogan ka waday xadka gobolka Bakool uu la wadaago degaanka Soomaalida ka dib markii dhowr jeer ay Al-Shabaab  weeraro ka geysteen halkaas.

 

Related posts

Maxaa ka dhalan kara haddii aan la qaban madaxda dembiyada ka gala dalka iyo dadka?

Caydiid Ali

Ciidanka Xoogga dalka soo bandhigay xubno ka soo goostay Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Israel oo duqeyn ku dishay hogaamiye sare oo ka tirsan Kooxda Xisbullah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---