Allbanaadir.com
NEWS

NISA oo shaacisay in la dilay labo Sargaal oo halis ku ahaa Amaanka Muqdisho

War kasoo baxay taliska hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in la dilay labo sargaal oo Al Shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir gaar ahaan dhinaca qaraxyada iyo miinooyinka.

Hay’adda NISA warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Maxamuud Goobe Raage Jiisoow (Daariq)  oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Howl-galada Qaraxyada Miinooyinka Gobalka Banaadir iyo Shabeelada Hoose lagu dilay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Bariire.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in Muuse Kooble oo isna qaabilsanaa Qaraxyada Miinooyinka Gobolka Banaadir iyo lix dagaalyahan oo kale geeriyoodeen kadib markii miino ay kasoo qaadeen Tooro-toorow kula qaraxday  Basra taariikhdu marka aheyd 28-03-2021.

Warkan kasoo baxay Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho kusoo bateen qaraxyada Al Shabaab geestaan, mana jiro war kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan geerida saraakiishan la sheegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF & dowlad goboleedyada oo Shir heer Wasiir ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Odayaasha Koonfur Galbeed oo Shuruudo ku xiray in Doorasho ka dhacdo Deegaanadooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---