Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday go’aan Niyad jab ku riday dowlada Kenya

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa cadeesay in aysan marnabo raali ka aheyn qorshaha dowlada Kenya ku dooneyso in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ku sugan magaalada Hague ee dalka Holand, ayaa sheegay in aysan marnaba dowlada aysan aqbaleyn in 4ta November dib looga dhigo kiiska Dacwada ee Maxkamadxa ICJ taala.

Waxa uu shaaciyay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya in ay aaminsan yihiin maxkamada caalamiga ah si cadaalad ahna loogu garnoqo kiiska badda ee kala dhexeeya dalka Kenya kana soo horjeedaan in mar kale daba dheeraado kiiskan.

”Kenya waxay dooneysaa in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo taasna iyada ayay jirtaa, anagu go’aankaynu waxa uu yahay inaanan aqbalayn wax ka badan 4ta November,kiiska maxkamada ayuu ku jiraa iyagaana ka war sugeynaa ” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Dowlada Soomaaliya ayaa u gudbisay Maxkamada caalamiga ee ICJ qoraal ay ku diidan tahay in mudo dheeraad ah lagu daro waqtiga loo balamay dhageysiga kiiska dacwada badda ,halka dowlada Kenya codsatay in mudo sanad ah dib loo dhigo dhageysida dacwada

Maxkamada caalamiga ee ICJ ayaa maanta dhageesatay doodaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan mudeynta dhageysiga dacwada badda, waxaana Maxkamada laga sugayaa in go’aan kama dambeys ah ka gaarto xiliga la dhageesanayo dacwada.

 

 

- Advertisement -