Xogta geerida Mikhail Gorbachev Hoggaamiyihii Soviet-ka ee ugu dambeeyay

Mikhail Gorbachev — hogaamiyihii ugu dambeeyay ee Midowgii Soofiyeeti ee hore intii u dhaxeysay 1985 ilaa 1991 — ayaa ku geeriyooday da’da 91-sano.

Geeridiisa waxaa Talaadadii ku dhawaaqay wakaaladaha wararka ee Ruushka, iyagoo soo xiganaya isbitaalka dhexe ee magaalada. Wararka ayaa sheegaya in uu dhintay ka dib “xanuun aad u daran” oo aan la cayimin.

Hogaamiyeyaal tiro yar oo qarnigi 20-aad jiray, runtii qarni kasta, ayaa saamayn wayn ku yeeshay waqtigooda. In ka yar lix sano oo rabshado ah, Mr. Gorbachev wuxuu kor u qaaday daahii birta, isagoo si ba’an u beddelay jawiga siyaasadeed ee adduunka.

Markii uu hoggaanka u qabtay Soofiyeedka waxa uu ka dhigay mid furfurnaan badan leh waxa uu dib u habayn ku sameeyo bulshada dalkiisa iyo dhaqaalaha sii liicaya. Ujeedkiisu ma ahayn inuu baabi’iyo boqortooyadii Soofiyeedka, balse shan sanno gudahood markuu xukunka qabtay wuxuu sabab u noqday burburkii Midowgii Soviet Socialist Republics. Waxa uu soo afjaray khilaafkii Soofiyeedka ee Afgaanistaan, shan bilood oo aan caadi ahayn 1989-kii.

Gorbachev wuxuu ahaa hogaamiye aad looga ixtiraamo wadamada kale marka loo eego gudaha. Dalka Ruushka, qaar baa ku caayay in uu burburiyay boqortooyadii Soofiyeet, si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku guulaystey abaalmarinta Nobel Peace Prize kadib marki uu gacan ka geystay joojinta dagaalkii qaboobaa.

Waxaa lagu aasi doonaa qabuuraha Novodevichy ee magaalada Moscow, oo ah meesha lagu aaso dad badan oo caan ka ah Ruushka, waa halka ay ku aasantahay xaaskisa Raisa oo u geeriyootay cudurka leukemia 1999-kii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tass.

WQ: Yusuf Sodal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -