Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka DF oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Cabdi Ibraahim Ciid oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Baanbeyda Soomaaliyeed.

Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyay in marxuumka ay rasaas ku fureen laba nin oo ku hubeysan bastoodo, xilli uu ka soo baxay Masjid uu ku tukaday Salaadii Cishaha, dhaawac soo gaarayna loola carray Isbitaalka Digfeer, halkaasoo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaa daqiiqado ka dib soo gaaray Ciidan Dowladda oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan u soo batay magaalada Muqdisho, xalay waxaa degmada Kaaraan qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda ee Maamulka degmada Yaaqshiid ee amniga iyo siyaasada.

Related posts

Xog ku aadan Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo labo dhinac loo qeybinayo oo la ka shifay

Cabdi Cade

Dowlad ka tirsan Yurub oo dalkeeda ka Mamnuucday xayeysiinta Sigaarka

Caydiid Ali

Garabka Cabdi Xaashi oo qaaday talaabo jawaab u ah doorashadii ka dhacday Afisiyooni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---