Duuliyaal Diyaaradeed oo dagaalamay diyaarada oo hawada ku jirta oo shaqada laga joojiyay

Shirkadda diyaaradaha ee Air France, ayaa shaqo joojin ku sameesay labo kamid ah duuliyaasha diyaaradahooda, kaddib markii la shaaciyay in ay ku dhax dagaalameen halka laga wado diyaarada xilli ay hawada ku jirtay.

Diyaarada oo u kala safraysey magaalooyinka Geneva iyo Paris ayaa waxaa isku dhacay oo dagaalamay duuliyaha diyaarada iyo kaaliyihiisa, waxaana markii dambe labadan duuliye soo kala dhax galay qaar kamid ah shaqaalaha diyaarada oo dagaalka joojiyay.

Gacan ka hadalka dhax maray labada duuliye ee diyaarada Air France ayaan wax saameyn ah ku yeelan safarkii diyaarada, waxaana la sheegay in diyaarada si nabad galyo ah ku tagtay magaaladii ay kusii jeeday.

Sarkaal u hadlay shirkadda Air France ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey labada duuliye, waxa uuna xusay in duuliyaashaasi ku kaceen fal aan wanagasaneyn, balse dagaalkooda uusan saameyn ku yeelan duulimaadka diyaarada.

Duuliyhaaasha diyaaradaha caalamka ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhax dhaca is fahmi waa halis galiya nolosha dadka saaran diyaarada, waxaana dhawwaan la baahiyay in labo duuliye oo katirsan shirkadda Itoobiya Airlines ay hurdeen xilli diyaarada hawada ku jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -