Musharaxiin maanta isku diiwaangelinaya Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Guddiga isku dhafka ah ee qaban qaabinaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta bilaabaya diiwaangelinta musharaxiinta isku soo sharaxay qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xubnaha guddiga ayaana maanta xaruntooda ka bilaabaya in ay diiwaangeliyaan, waxa ayna guddiga shaaciyeen shalay sharuudaha laga rabo musharax kasta oo damac uga jiro in uu u tartamo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Qaar kamid ah musharaxiinta Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maanta is diiwaangeliyaan , waxa ayna diiwaangelinta musharaxiinta soconeysaa ilaa tobanka bishan oo ku beegan maalinta talaadada ah.

Guddiga doorashada ayaana shalay shaaciyay shuruudaha laga rabo musharax kasta oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana shuruudaha kamid ah in musharax kasta uu wato saxiixa 20-xildhibaan.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sannadkan ka adag kana xamaasad badan doorashooyinkii hore, waxaana aad ugu loolamaya sannadkan madaxweynayaal hore iyo madax kale oo dalka xilal kala duwan kasoo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -