Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo Muhiim ah kala hadlay Yoshimasa Hayashi (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xalay waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee #TICAD8 – Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Hayashi.

Labada masuul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

Wasiir Hayashi ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed – isagoo intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.

Related posts

Ma doonaysaa in ilmahaagu barto qoraalka iyo akhriska Af Soomaaliga?

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Xeerar kala duwan oo la horgeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maraykanka oo wada qorshe weerarkii 11 Septembar la xiriirinaya dowlada Sacuudiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---