William Ruto oo Maxkamada sare ee Kenya u gudbiyay codsi ka dhan ah Raila Odinga

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa isniintii hore maxkamadda sare ee Kenya u gudbiyay dacwad ka dhan ah doorashadii madaxweynaha ee la shaaciyay in uu ku guuleestay musharaxii uu la tartamayay William Ruto.

Raila Odinga ayaana doonaya in maxkamadda sare meesha ka saarto natiijada doorashada looga guuleestay uu tilmaamay in la musuqmaasuqay, waxa uuna Odinga sheegay in uu hayo cadeymo ah in uu ku guuleestay doorashada balse musuqmaasuq lagu sameeyay.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto ayaa shalay ugu baaqay Maxkamada Sare ee dalka inay meesha ka saarto codsiga uu u gudbiyay ninka kula tartamay madaxtinimada Kenya ee Raila Odinga.

Waxa uu sheegay William Ruto in ninka uu kaga adkaaday doorashada ee Odinga uu taariikh u leeyahay khilaaf joogto ah oo ku saabsan natiijada doorashada madaxtinimo iyo hurinta qalalaasaha qaranka marka laga guuleesto.

Madaxweynaha ay doorteen shacabka Kenya ee Ruto ayaa sheegay in musharaxii uu ka guuleestay ee Odinga uu rabo fursad kale oo doorasho oo maxkamadda go’aamiso, waxa uuna maxkamadda ku booriyay in aysan dhageesan warka ninkaasi guuldareestay.

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa shanta bisha soo socota ee  Sebtembar  go’aan ka gaari doonta muranka doorashada,maxkamadda ayaana haddii ay burisi natiijada doorashada mar kale la qaban doonaa doorasho muddo 2-bil gudahood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -