Duufaanta Tembin oo dad badan dishay guryo badana bur burisay (Daawo Sawirada)

Dalka Filibiin waxaa ku dhuftay duufaan xoogan oo dhalisay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha duufaantan dhalisay in ay sii kordhaan.

Duufaanta Tembin ayaa dishay in ka badan 70-qof qof, waxa ay sidoo kale duufaantan bur burisay dhisamyaal badan oo kuyaala magaalooyinka Tubod iyo Piagapo ee kuyaala Koonfurta dalka Filibiin.

Duufaanta Tembin oo saacadiiba ku socota 80 KM ayaa kusii socota Jaziirado iyo magaalooyin hor leh oo kuyaala dalka Filibiin, waxaana jirta cabsi laga qabo in khasaaro badan ay dhaliso duufaantan xoogan.

Sargaal katirsan booliiska dalka Filibiin oo ku sugan magaalada duufaantan ku dhufatay ayaa sheegay in wabiga halkaasi kuyaala biyahiisa sare u kaceen sidoo kale duufaanta dhulka dhigtay guryo badan.

Dadka duufaantan iyo dhiiqada la socota dishay ayaa laga baadi goobayaa dhiiqada hoosteeda, waxaaba baadi goobka meydad iyo dad la’ layahay ku hoolan ciidamo iyo dad kale oo mutadawiciin ah.

Dalka Filibiin waxaa marar badan ka dhacay duufaano khasaaro badan dad kasoo gaareen, waxaana duufaantan imaaneysa xili isbuuc kahor duufaan ku dhufatay dalkaasi ku dishay dad ka badan 20-qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -