Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Wasiirka arrimaha dibeda & danjire Hassan Bin Hamza? (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay maanta oo Axad ahayd Caasimadda Muqdisho, Safiirka Dowladda Qatar ee aan walaalaha nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim, oo booqasho sharafeed ugu yimid,

Intii lagu guda-jiray kulanka waxaa lagaga wadahadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.

Billowga kulanka, ayaa Safiirka Qatar ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo u rajeeyay guul waarta oo uu ka gaaro howlaha loo igmaday, xusayna kaalinta dalkiisa ee garab istaagga Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay horu u dhaqaajinta geeddi-socodka iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada waddan ee walaalaha ah iyo fursadaha badan ee lagu ballaarin karo heerarka, korna loogu qaadi karo iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinac weliba leh.

Dowlada Qatar ayaa xiriir wanaagsan oo aad adag la laheyd dowladii Madaxweyne Farmaajo, iyagoo ku taageeray dhaqaale iyo siyaasad intaba.

Related posts

Ruushka oo saacado gudahood duqeeyey 40 magaalo oo ka tirsan Ukraine (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo codsi u diray culimada ku sugan Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Askari Maraykan ah magdhow lacageed ku helay arrin yaab leh (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---