Allbanaadir.com
NEWS

Agaasime Isbitaal oo lagu dhax dilay Xafiiskiisa iyo Madaxweyne ka hadlay dilkaasi

Kooxo hubeesan oo loo maleenayo in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab ayaa gudaha isbitaalka degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay ku dilay isku diwihii Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed  Dr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub) .

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxda hubeesan xafiiskiisa ugu galeen Dr Bishaar kaddibna halkaasi ku toogteen,waxaana dilka kaddib la sheegay in gaari nuuca raaxada ah ku baxsadeen ragii dilka geestay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdicasiis  Laftagareen ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ee uu ka baxay  Dr Bishaar Cali Xuub oo ahaa Agaasimaha Ispitaalka Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay.

Laftagareen ayaa tilmaamay in Marxuum Dr Bishaar uu ahaa da,yar dalkiisa wax usoo bartay kuna qanacsanaa u adeegida bulshadiisa, balse uu sababsaday alshabaab uu sheegay in marwaliba mashquul ku yihiin sidii ay dunida u dhaafin lahayeen qofka bulshada waxtarka uah.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boliska Somaliland oo xabsiga u taxaabay fanaanada caanka ah ee Ugbaad Aragsan

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Dalab muhiim ah hordhigay Jaamacada Carabta (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ogeysiis Muhiim ah oo loo hayo Qurbo Joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---