Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday Magaalada Los Angeles (Daawo Sawirro)

Booliska magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa xiray nin la sheegay inuu toogtay labo haween ah kaasoo ku dhex cararay goob laga dukaamaysto oo halkaasi ku taalla.

Booliska ayaa barta Twitterka ay ku leeyihiin kusoo qoray inay ku guulaysteen qabashada ninkaasi oo muddo saddex sacaadood ah ay ku daba jireen xiritaankiisa.

Waxaa la arkayay dadka qaar oo ka cararayay goobta laga tukaamaysto halka qaar kalena ay daaqadaha ka boodayeen, haweeney ayaana halkaasi ku dhimatay.

Ninkan ayaa markii hore xabado ridayay iyadoo booliska ay ceyrsanayeen baaburkii uu saarna, wuxuuna ku cararay goobta laga dukaamaysto, wuxuuna markii hore uu toogtay labo haween ah.

Cabsi iyo jahwareer ayaa ka dhalatay goobta iyadoona booliska ay wadeen howlgal ay ku soo qabanayeen ninkaasi oo aan la ogeyn illaa hadda ujeedada uu ka lahaa weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com 

Related posts

(Sawirro) Madaxa ATMIS iyo safiirada dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia oo..

Caydiid Ali

Faahfaahin: Iska horimaad Khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Taliyaha Nabad Sugida Mahad Salaad oo ku amaanay Aqalka sare go’aanka ay qaateen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---