Ra’isul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyay Axmed Fiqi iyo Jeneraal Mukhtaar (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirkii hore Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey howshii wanaagsanayd ee uu soo qabtay Wasiirkii hore Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Wasiirka xilka kala wareegay.

Xamse Cabdi Barre ayaana u rajeeyey Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi in alle uu u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla.

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sannadihii hore kamid aheyd wasaaradaha ugu saameynta iyo shaqada badan xukuumadda ,hasa ahaatee wasaaradda ayaa muddooyinkan dambe noqotay mid aan wax shaqo ah ka socon .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -