Madaxweyne Biden oo ka careesan Dilal aad looga naxay oo dad Muslimiin ah loo geestay

Magaalooyin kuyaalla gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka, waxaa ka dhacay dilal qorsheesan oo lagu dilay afar nin oo muslimiin ah oo kunoolaa gobolkaasi, kuwaa oo loo maleenayo kaliya in loo beegsaday diinta ay heestaan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si kulul u cambaareeyay dilalkan loo geestay dadka muslimiinta ah, waxa uuna sheegay in uu ka carreesan yahay dilalkan argagaxa leh ee loo geestay dadka muslimiinta ah.

Joi Biden ayaa sheegay in uu aad uga murugooday dilka ka dhacay magaalada Albuquerque, wuxuuna sheegay in maamulkiisu uu si adag u garab taagan yahay shacabka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Mareykanka.

Ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa bilaabay baaritaano ku aadan dilalkan qorsheesan ee loo geesanayo muslimiinta kunool gobolka New Mexico, waxaana dilalkan la ogaan wali cidda ka dambeesa iyo ujeedkooda.

Muslimiinta kunool dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka New Mexico ayaa aad uga argagaxsan weerarada lagu beegsanayo, waxaana dareen cabsi ku jirto lasoo darsay muslimiinta kunool gobolkaasi oo taxadar bilaabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -