DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya (Sawirro)

Qarax ayaa goor dhow oo fiidnimadii ah ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska mashquulka badan ee Km-4 sida wararku nagu soo gaarayaan.

Miino la dhigay agagaarka Masaajid ku yaalla isgoyska Km4 ayaa lagu qarxiyey gaari ka mid ahaa gaadiid halkaas marayey oo ah nooca aysan rasaastu Karin sida dad goob joogayaal ah warbaahinta u sheegeen.

Ciidamada amaanka DF ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, iyagoo xiray wadada.

Lama oga illaa hadda cida lala beegsanayey qaraxaas iyo khasaaraha ka dhashay midna.

Goobta uu qaraxa ka dhacay caawa ayaa kaabiga ku heysa Hotelka afrik oo todobaadkii hore lala beegsaday weerar ismiidaamin ah iyo mid toos ah, kaasoo dad badan ay ku dhinteen.

DAAWO SAWIRADA GOOBTA QARAXA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -