(Sawirro) Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay culimada Soomaalida qaar ka mid ah ?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Xassan Shiikh ayaa uga warbixiyey culimada mudnaanta uu siinayo adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta, waxbaridda iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo tilmaamay sida ay dowladda ugala shaqeynayaan xaqiijinta Soomaali heshiis ah.

- Advertisement -