Caruur walaalo ahaa oo miino kula qaraxday degaan hoos taga Somaliland

Ugu yaraan Saddex Carruur oo walaalo ah ayay miino kula qaraxday goob u dhaxaysa degaanada Habura iyo Sibidhley oo ka tirsan gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland.

Carruurta walaalaha ah oo xoolo jir ahaa ahaa ayaa la soo sheegayaa in mid ka mid ah uu geeriyooday halka labadii kale ay dhaawacmeen, waxaana loo maleynayaa in caruurta ay la qaraxday walxo qarxa oo karay dagaaladii sokeeye.

Mashaqo kale ayaa dhacday ka dib markii gaari Ambulance oo waday caruurta dhaawaca ah uu galay shil sababaay dhaawaca lix kale markii gaari kale uu ku dhacay gaariga Ambalunce ah.

Saraakiisha Caafimaadka Gobolka Togdheer ayaa  sheegay inay mar kale gurmad u direen dadka dhaawaca ah lana soo gaarsiiyey Isbitaalka weyn ee Burco 8 qof ee dhaawaca ah oo qaarkood ay yihiin ehelada 3 carruurta ahayd ee Miinadu la qaraxday.

- Advertisement -