Xal laga gaaray Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada Murusade

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta kulan gaar ah la qaatay xiildhibaanada beesha Murusade ku matala baarlamanaka labada ee federaalka Soomaaliya.

Kulankan galabta  ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa xal looga gaarayay khilaaf u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Xildhibaanada oo ka dhashay saamiga beesha Murusade ku yeelaneyso xukuumadda cusub oon horey loo cadeyn.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay xildhibaanada tabasahada ay qabaan, waxa uuna u ballanqaaday in uu xalinayo  tabashadooda uuna siin doono xilal ay ku qancaan.

Xildhibaanada beesha Mueusade ayaana kulanka kaddib shir gaar ah la qaatay Xildhibaan hore Xasan Macalin oo loo wado in uu noqdo wasiir katirsan xukuumadda Soomaaliya, waxa ayna xildhibaanada u sheegay masuulkan in ay garab taagan yihiin xilka loo wado.

Golaha cusub ee wasiirada ayaa lagu wadaa in caawa lagu dhawaaqo, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaaraha wadeen saacadihii lasoo dhaafay dadaalo taageero loogu raadinayay xukuumadda lasoo dhisayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -