Agaasimihii Dhaqan Celinta Shabaabka soo goosta oo xilka laga qaaday (Wareegto)

Wasiirka amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa xilka ka qaaday agaasimihii barnaamijka dhaqan celinta dhalinyarada ka soo goosata Al Shabaab .

Warqad kasoo baxday xafiiska Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday Agaasime Maxamed Cali Xuseen, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in agaasimaha xilka laga qaaday is khilaafeen wasiirka.

Wasiir Islow ayaa durba xilka agaasimaha barnaamijka dhaqan celinta dhalinyarada ka soo goosata Al Shabaab u magacaabay Maxamed Cabdulaahi Nuur oo la sheegay in wasiirka aad isugu dhaw yihiin.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ayaa horey xilalka uga qaaday agaasimayaal badan oo katirsan Wasaaradiisa, waxaana qaar kamid ah agaasimayaasha uu xilka ka qaaday ku bedelay xubno kale oo asxaab iyo ehel dhaw la ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -