Madaxweyne Deni oo bedelaya go’aan uu horey ugu dhegnaa kaddib cadaadis la saaray

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bilaabay kulamo siyaasadeed uu xal ugu raadinayo khilaaf kala dhaxeeya qaar badan oo kamid ah xildhibaanada dowlad goboleedka Puntland.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Deni ayaa xalay kulan gaar ah madaxtooyada Garawe kula qaatay guddi baarlamaan oo loo xil saaray arrinta magacaabista maxkamada sare , kuwaa uu kala hadlay khilaafka madaxtooyada iyo baarlamanaka ka dhax aloosan.

Xildhibaanada ayaa u sheegay Madaxweyne Deni in aan la aqbali karin in mar kale soo celiyo xubnihii guddiga maxkamada sare ee Puntland ee dhawwaan diideen xildhibaanada Puntlad markii la horkeenay.

Wadahadalo dhax maray Madaxweyne Deni iyo xildhibaanada ayaa ugu dambeyn ku ogolaaday Madaxweyne Deni iyo wax ka bedel ku sameeyo xubnaha guddiga maxkamadda sare kuna soo daro xubno dhoor ah oo ay wataan xubno katirsan baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanada Puntland ayaa codka kalsoonida u diideen labo mar xubnaha maxkamada sare ee Puntland uu soo magacaabay Madaxweyne Deni, waxaana hadda la filayaa in madaxweynaha soo magacaabo xubno cusub oo kalsooni ka heli kara baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -