Ruushka oo duqeyn ku dilay Milyoneer horey ugu guuleystay abaal-marino (Sawirro)

Taajir caan ah oo u dhashay Ukraine ayaa ku dhintay duqeyn xoogan oo Ruushka ka geystay magaalada koonfurta ku taalla ee Mykolaiv.

Oleksiy Vadatursky, 74 jir ag iyo xaaskiisa Raisa ayaa dhintay markii xaley uu gantaal ku dhacay ku dhacay gurigooda, sida ay ku warrantay warbaahintaa Ukraine.

Mr Vadatursky wuxuu lahaa shirkad dhoofisa qamadiga oo lagu magacaabo Nibulon isagoo horey ugu guuleystay abaalmarinta Halyeeyga reer Ukraine.

Duqa Magaalada Mykolaiv Oleksandr Senkevych ayaa sheegay in duqeymihii ugu xoogganaa ay ka dhaceen magaalada.

Wuxuu intaa ku daray in duqeymaha Ruushka ay burburiyeen maqaaxi, goob kubadda lagu ciyaaro, iskuullo iyo guryo.

Magaalada Mykolaiv waxay ku taalla waddada weyn ee aada gobolka Odesa oo ay ku taal dekedda ugu weyn Ukriane halkaas oo si joogto ah ay u duqeeyan ciidamada Ruushka.

- Advertisement -