Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay James Swam iyo xubno la socday (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Madaxweyne Laftagareen iyo danjire James Swan ayaa kulan ay yeesheen waxa ay kaga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Xoojinta Aminiga, Abaaraha, la dagaalanka Argigixisada iyo Hirgelinta Mashaariic Hormarineed.

Kulankan maanta ka dhacay magaalada Baydhabo waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Madaxa IOM ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Wakiilka UNHCR oo u kuur galayay xaalada ka jirta deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya ayaa safaro kala duwan ku tagaya maamul goboleedyada dalka ka jira, waxa uuna shalay safar ku tagay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee DF oo xukuntay ajaaniib ka tirsanaa Al-Shabaab

Caydiid Ali

Isra’il oo weerar aargoosi ah ku qaaday Iran iyo xogta goobaha ay weerareen

Cabdi Cade

Dal Afrika kuyaala oo dhaqan galinaya sharci dambi ka dhigaya guurka khasabka ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---