Xildhibaano badan oo saluugsan nidaamka loo marayo Magacaabista golaha Wasiirada

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo aadan ku dhawaaqo golihiisa wasiirada, waxaana wali jira khilaaf ka taagan qaar kamid ah wasaaradaha iyo shaqsiyaadka la siinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ,kuwaa uu kala hadlayay magacaabista golaha wasiirada iyo sidii ay ugu qanci lahaayeen xubnaha magacaabista kusoo baxa.

Xidhibaanada qaar ee la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay in ay saluugsan yihiin nidaamka loo marayo magacaabista, waxa ayna u cadeeyeen in aysan ku qanci doonin magacaabista golaha wasiirada haddii aan taladooda la tixgelin.

Madaxweyne Xasan ayaa waararku sheegayaan in uu rabo in golaha wasiirada badankood gaar ahaan kuwa ugu muhiimsan laga soo xulo meel ka baxsan baarlamaanka, waana mida laga yaabo in ay kasoo horjeestaan xildhibaano badan.

Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa inta badan isku raacay xubnaha golaha wasiirada kasoo muuqanaya, waxaana wasiiradaasi u badan yihiin xubno ku dhaw dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh oon qaarkood Xildhibaano aheyn.

Xildhibaanada beelaha qaar ku matala baarlamaanka federaalka ayaa durba cadeeyay in aysan taageeri doonin xukuumada cusub haddii lagu soo daro xubno aysan raali ka aheyn sidoo kale la tashi aan lagala sameyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -