Ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka oo la wareegay Balad Xaawo iyo Doolow

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo dowlada federaalka Soomaaliya ka amar qaata dhawaana laga qaaday magaalada Muqdisho la wareegeen gacan ku heynta degmooyinka Balad Xaawo iyo Doolow.

Ciidamadan oo aad u hubeesan ayaa gaaray degmooiynka Balad Xaawo iyo Doolow, waxa ayna ciidamadan saldhig ka dhigteen xarumo muhiim ah oo kuyaala degmooyinkaasi ay ku jiraan Garoonka diyaaradaha Doolow.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay arkeen ciidamo cusub oo isugu jira milatari iyo booliis oo soo gaaray degmooyinka Balad Xaawo iyo Doolow, waxa ayna ciidankan yihiin kuwa feejignaan badan ku jira.

Ciidamadan la wareegay degmooyinka Balad Xaawo iyo Doolow ayaa kusoo aadaya xili shalay subax Degmada Balad Xaawo gaaray Wasiirka Amniga Jubbalad Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday dowlada, waxaana Janan markii dambe isla shalay dib ugu laabtay Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -