Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Tirada Dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo u gudbay dhinaca Itoobiya oo la shaaciyay

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ka gudbeen xadka Soomaaliya, gaar ahaan xadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xaqiijiyay in dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab u gudbeen dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, mana sheegin guddoomiyaha halka ay saldhigteen dagaalyahanada xadka ka gudbay.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan dagaalyahanada Al Shabaab ee xadka ka gudbay gaarayaan ku dhawaad 200 oo dagaalame, sida uu kasoo xigtay dad ku sugan xadka oo arkay Shabaabka gudbay.

Dagaalyahanadan katirsan Al Shabaab ee u gudbay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa imaanaya xlli dhawwaan koox katirsan Al Shabaab galeen gobolka Afdheer ee dowlad deegaanka halkaasna uu ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay.

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shaacisay in ay soo afjareen dagaalkii Al Shabaab kula jireen ee ka socda gobolka Afdheer gaar ahaan dhinaca xadka gobolka Bakool, waxa ayna sheegeen in dagaalkaasi khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Suldaan Caan ahaa oo caawa la dilay iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade

Sargaal katirsan ciidanka booliiska oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab iyo Hub ay wateen

admin
Taboola Ads ---