Maamulka Somaliland oo qaaday talaabo kale oo ka dhan ah Idaacada BBC-da

Maamulka Somaliland ayaa hawada ka saaray Idaacad FM ah oo ku la howlgaleysay magaalada Hargeysa, taasoo laga siideyn jiray barnaamijyada iyo wararka idaacada BBC-da.

Warqad ka soo baxday Wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa la gaarsiiyey shaqaalaha FM-ta ay laheyd BBC-da taasoo  lagu amray shaqaalaha xaruntaas iney idaacada hawada ka saaraan.

Talaabadan ayaa daba socota go’aan shalay ka soo baxay maamulka Somaliland oo lagu sheegay in degaanada maamulkaas laga mamnuucay idaacada BBC-da.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koorre ayaa go’aankaas ku sababeeyay in BBC-du ay hoos u dhigtay sharaftii iyo karaamadii Somaliland.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee BBC looga mamnuucey Somaliland inay tahay, kadib markii ay idaacaddu joojisay xafladdii sannad-guurada 65-aad oo Hargeysa lagu qaban lahaa, taasoo loo ballan-sanaa 18kii bishan July.

BBC ayaa shaqaalaheeddii Hargeysa u yimid in ay Munaasibaddaas ka soo warramaan ku amartay inay Nairobi ku laabtaan isla markaana ay xafladdii sannad-guurada u baajiyeen sababo la xiriira dhanka amniga.

 

- Advertisement -