Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle oo shaaciyey xiliga uu baneynayo Kursiga

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyey xiliga kama dambeysta ah ee uu xilka ka dagayo.

Muddo 23 sano ah ayuu Ismaaciil Cumar Geelle xukumayay dalka Jabuuti oo ay ku nool yihiin shacab tiradoodu dhan tahay hal milyan oo ruux.

Geelle oo wareysi siiyey idaacada BBC-da ayaa xusay inuu xilka wareejin doono sanadka 2026-ka, oo ku beegan marka uu dhammaado muddo xileedka hadda u socda.

Talaabadan  ayaa ka dhigan in Geelle uusan mar kale usoo istaagi doonin tartanka doorashada madaxweynaha marka ay doorashada xigta dhacayso.

Geelle ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayo uu wax ka badan u qabtay dalka Jabuuti, gaar ahaan dhaqaalaha, amniga iyo adeegyada bulshada sida Caafimaadka, waxbarashada iwm.

Inta badan dadka reer Jabuuti iyo kuwa dhaliila Maamulka Madaxweyne Geelle ayaa ku eedeeya maamulkiisa inuusan waxba ka qaban sicirka nolosha ee qaaliga ah. Waxyaabaha sida gaarka ah aad looga cawdo waxaa ka mid ah qiimaha korontada oo sarreeya.

“Ma nihin waddan saliidda soo saara. Ma nihin waddan leh wabiyo oo korontada ka dhaliya gudaha. Waxaan hoos dhigay qiimihii korontada oo horay u sarreeyay. Waddamada dariskeenna ah marka laga reebo Itoobiya, xitaa maba haystaan adeeg koronto oo la isku hallayn karo. Waa inaan ku faanno waxa aan haysanno ilaa hadda,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti, waxa uu si gaar ah diiradda u saaray hadal hadal sanad ka hor uu yiri hoggaamiyaha Al-Shabaab oo ku baaqay in la weeraro Mareykanka iyo Faransiiska saldhigyada ku leh Jabuuti.

Geelle ayaa sheegay in dowladdiisu aysan halis gooni ah dareemeynin. “Mar walba waan isdifaaci doonnaa. Way dhihi karaan wax kasta oo ay rabaan balse annagu waan kasoo hor jeednaa qalalaasaha, argagixisada, xagjirnimada,” ayuu yiri.

 

- Advertisement -