Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo shaacisay iney howlgal ku qabatay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Saraakiisha amiga ee Puntland ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen xubno sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Hawlgal ka dhacay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa lagu qabtay saraakiisha ka tirsan Al-shabaab, iyadoo laamaha amaanku sheegeen iney dhowaan maxkamad soo taagi doonaan.

Wararku waxay sheegayaan inuu baaritaan ku socdo saraakiisha la qabtay oo magacyadooda la sii hayay ka hor inta aan gacanta lagu dhigin sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta amaanka Puntland.

“Xubnaha aan qabannay Amiiro aad loo raadinayay ayaa ku jira,  kuwaasoo aan maalmaha soo socda maxkamad hor keeni doono” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Laamaha Amniga Puntland oo aan sheegin magacyada ragga la qabtay iyo xilalka ay u hayeen Al-shabaab.

Related posts

Musharaxiinta oo Jawaab adag ka bixiyay Go’aankii Dowlada iyo cabsi badan oo jirta

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo faahfaahisay duqeyn lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo faahfaahisay go’aano ka soo baxay Shir Madaxeedkii AU

Caydiid Ali
Taboola Ads ---