Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Axmed Madoobe oo ka hadlay sababta shirkad Ajnabi ah imtixaan uga qaaday Agaasimayaal

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horay Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay natiijada iyo habka loo maray imtaxaanka agaasimayaasha guud ee qaar kamid ah wasaaradaha Dowlada ee dhawawan la qaaday isagoo tilmaamay in sababta shirkad ajinabi ah loogu doortay qaadista imtaxaanka inay tahay sidii looga fogaan lahaa eex iyo nin jeclaysi isla markana hogaaminta Cusub ee wasaaradahu ay u noqon lahayeen kuwo aqoon ahaan iyo karti ahaanba kasoo bixi kara waajibaadka saaran.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay shaqo abuurka dhalinyarada isagoo xusay in la joogtayn doono isla markana ahmiyad gaar ah la siin doono shaqo abuurka dhalinyarada si ayna ugu dhicin falal danbiyeedyo loogana faa’iidaysanin waxyaabo naftooda khatar ku ah sida tahriibka.

Dhinaca kale Wasaarada amniga ayaa laga dhagaystay warbixinta amniga Jubaland ee todobaadkii tagay iyadoo wasaaradu ay ka warbixisay shaqooyinka u danbeeyay ee Wasaarada iyo hay’adaha amniga ay qabteen.

Sidoo kale Wasaarada maaliyada ayaa ka warbixisay qorshaha Wasaarada ee sanadka 2022/2023 ee hormarinta dakhliga guud ee Jubaland iyadoo la raacayo tijaabooyinkii u danbeeyay iyo khibradaha laga dhaxlay.

Related posts

Jilaa Caan ah oo qaba gabar Soomaaliyeed oo laga helay Caabuqa Caronavirus

Cabdi Cade

Nin Xaaskiisa si Farsameesan uga baxsaday mid kamid ah Kilyaheeda !!

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir oo bilaabaya arrin cusub & Xog ku aadan ujeedka laga leeyahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---