Masuuliyiin katirsanaa dowladda Kenya oo lagu riday xukun adag oo xabsi ah

Maxkamad kutaalla dalka Kenya ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday masuuliyiin horey uga tirsanaa dowladda, kuwaa oo lagu helay dambi ah in ay musuqmaasuqeen lacago badan iyo bixin mashaariicyo qaldan.

Maxkamada ayaa xukun min 12 sanno oo xarig ah  ku riday madaxii hore ee waaxda maaliyadda Jimmy Kiamba iyo xoghayihii maamulkii barasaabkii koowaad ee Nairobi Evans Kidero oo lagu magacaabo Lilian Ndegwa.

Labadan masuul ayaa baaris la sameeyay lagu ogaaday in ay ku kaceen musuqmaasuq xad dhaaf ah intii ay xafiisyada joogeen, waxaana lagu eedeeyay in ay xadeen lacago sidoo kale si musuq ah ku bixiyeen mashaariic.

Garsoore Esther Maina ayaa sheegtay in labada masuul ee xukunka xabsi ah lagui riday ee kala ah Mr. Kiamba iyo Ms Ndegwa ay u furan tahay inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 9.6 milyan oo shilin.

Xukunkan lagu riday labadan masuul ee ku kacay musuqmaasuqa ayaa si weyn looga soo dhaweeyay dalka Kenya, waxa ayna bulshada dadkaasi ku baaqeen in madaxda kale ee musuqa wada in iyana cadaalada la horgeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -