Muuse Biixi oo la tukaday shacabka Hargeysa, eedeyna u jeediyey DF (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo  shacabka kala qaybgalay tukashada Salaadda Ciidal Adxaha.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidal Adxa oo maanta laga oogay guud ahaanba dunida Islaamka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno ka mid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo siyaasiyiin kale, ayaa shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, halkaasoo ay soo buux-dhaafiyeen kumanaan shacab ahi, waxana uu madaxweynuhu bulshada u jeediyey khudbad  uu diiradda ku saaray muhiimadda iskaashiga iyo wada-jirka bulshada reer Somaliland iyo sidii ay ugu dedaali lahaayeen inay gacmahooda wax kula soo baxaan.

Sidoo kale, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay carqaladda uu maamulka Xamar ku sameeyey dadkii reer Somaliland ee sannadkan xajka tegi lahaa, waxana uu dawladda Sacuudiga u diray farriin cad oo la xidhiidha in Somaliland loo madax bannaaneeyo arrimaha la xiriira xujaydeeda, siyaasadda laga daayo cibaadada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -