Allbanaadir.com
NEWS

Dil saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho & faahfaahin ka soo baxeysa

Nin oday ah ayaa saaka lagu dilay agagaarka Ex-hotel Lafweyn oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Xusseen Hilowle oo ka mid ahaa odayaasha degaanka Fagax ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Marxuumka ayaa isla goobta ku naf waayey, iyadoo kooxihii ka dambeeyey dilka ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada amaanka ayaa wax yar ka dib gaaray goobta uu dilkan ka dhacay, iyagoo halkaas ka sameeyey baaritaano, lamana oga illaa hadda sababta loo dilay marxuumka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cumar Filish oo kulan la xisaabtan ah la qaatay Gudoomiyaasha Degmooyinka (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada India & Pakistan oo isweydaarsaday madaafiic ay shacab ku dhinteen

Caydiid Ali

Mareykanka oo Fariin adag u diray Jabhada TPLF ee qabsatay magaalooyin cusub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---